Seminar hal asbuuc ah oo ay maalgalisay hayada Dhalinyarada Europa
ee is dhexgalka Dhalinyarada Europa, Projekt lagu magacaabo Erasmus+ ayaa qaybtiisii labaad waxaa lagu qabanayaa IIRIS CENTER, HELSINKI, FINLAND, Todobaadka soo socda inta u dhaxaysa 25.08.2022- 31.08.2022. Mashruucaan oo ah Mashruucii ugu horeeyay ee uu Fangareeyso Erasmus, ayadoo ay Mashruuca Fulinayso,Ururka Somalische Kultur & Integration e.V. Darmstadt, ayaa Wajigiisii 2aad guul lagu soo gabagabayn doonaa Asbuuca soo socda, ayadoo uu Xiritaanka Mashruuca soo Xirayo Gudoomiye ku Xigeenka Ururka Somalische Kultur und Integration e.V. Darmstadt, Cabdishakur Germany. Mashruucaan kadib waxa uu ururku fulin doonaa Mashaariic waawayn oo Heer Caalami iyo Mid Europa ah.